www.dooynet.com

 


Seyid M A Hassan

Gabay: Xirsiyow naaqusnimo, Sayid Maxamed


Gabayganu wuxuu ka mid yahay gabayadii badnaa ee . laga mariyey geelii Daboolane.Niman ergo ah oo geela daba socday,madaxna uu ka yahay Xirsi Kooshin waraaqna ka sida Ingiriiska iyo nimankii geela lahaa oo wadajir ugu soo dhiibay, ayaa xarunta Taleex!" yimid.Wax badan bayna ku doodeen in geela loo celiyo Hase yeeshee,taas sayidku waa diiday.Gabaygaanu waa go'aankii ugu danbeeyey oo uu diiddada ku gaaray Xujana uga dhigay Gaalaad raacdeen waxuu yidhi:-

Xirsiyow naaqusnimo waa waxaad,niiq la leedahaye
Naxar lagu shid waa jaahil iyo, nararacdiisiiye
Noy baad tihiin aan qalbiga, nuurka loo geline

Naasilo xun baa lagu yaqaan,nimanka Iidoore
wax ka niiqsan toban jeer kuwii, naaqurta lahaaye
Nasab hadaad tihiin gaaladaad,nici lahaydeene .

Naxli baad ka dhigateen halkaan,narriga lahaye
Nasteexadu waxay idinla tahay, naafacaan jirine
Ka nacawdu sheydaamadaad,nacam tiraahdaane .

Naar-quutayaal iyo kufraad,nebiya mooddeene
Naartii waxaa idinku guray,nibiriyaashiiye
Nasaarada waxaw taabacdeen, waa najuusnimo e.

Naagow tihiin ferenjigii, noloshka dheeraaye
Nacalluhu kuwuu fuulay baad,daba nushlaysaane
Naamuuskiin wuxuu jabay markaad,nacabka raacdeene.

Nacastooyo waataad dorraad,igula niiqdeene
Waxay naafay waa idinka iyo,nabarradiiniye
Nafta igama goyseen haddaad,iga naxaysaane .

Nasrigaan ku cayntaye tolnimo,iguma noolayne
Naxariista Eebbaan ku helay,naallo iyo khayre
Nabsaa idin ka soo riday xaqaad,nugux ka siiseene.

Geelaan naawilaayee sidii, naqa u eegaayey
Aan naalladuu diray markaad,bogox ku nowsiisay
Oo aan nayaayirey markay,Noobir soo hoyatay.

Anigaba wax badan baad nur li'i,igu nadiirteene
Wax badan baad nicmada Eebbahay,ila necbaateene
Wax badan baad nijaasiyo darxumo,igu nadiirteene .

Naanaa weeye maantaad wanaag,iga niyeysaane
Nasteexiyo heshiis iyo horaad,nabad u diiddeene
Sidow soo naqaa hadal xun baad,igu nabaysaaye.