Waxaad Caruurtaada webkan hoos ku qoran cinwaankiisa uga soo saari Kartaa Xisaab(Maths) ay guriga uga shaqeeyaan Homework sida ( isku darka ,kala gooyn,isku dhufasho iyo isu qeybinta) adiga oo markaa u dooraya cunugaaga level-kiisa.

Meelaha kuqoran 100 to 999 ayaa laga doortaa. tusaale hadii aad rabto 678+789 waxaad kudeyneysaa 100 to 999 Laakiin hadii aad rabto xisaabta hal nambar loogeeyey hal nambar sida 9+7 waa in aad doorataa 1 to 9.hadii aad rabto 14+9 waxa aad dooreysaa in qeyta kore ay labo nambar noqoto tan hoosena ay hal nambar noqoto 10 to 99 tanhoosena 1 to 9.

Markaad u xusho waxa aad larabtay ayaad waxa aad gujineysaa(click) meesha ugu hooseysa ee kuqoran
GENERATE WORKSHEET kadibna udaabac hadii aad printer leedahay ama qalin ugu qor oo u koobiyaareey.

http://www.freemathworksheets.net/general-math.php

 

Meeshaan hoose waxaad ka heli kartaa Website xisaab(Maths) oo ay Caruurta sida Game ahaan ay caruurta wax uga baran karaan , caruurta dhigata Fasalada hoose.

http://www.bbc.co.uk/schools/ks2bitesize/maths/

 

Waxaad website-kan hoose kaheleysaa xisaab(Maths) oo kobcineysa masqaxdaada waxaad u baahnaan doontaa in kumbiyuutarkaaga uu leeyahay software-rada JAVA ama FLASH.waxaana wax kabaran kara caruurta fasalada kala duwan dhigta oo dhan.

http://www.woodlands-junior.kent.sch.uk/maths/index.html

 

Website-kan hoose waxaa ka faa'ideysan kara Dhalinta dooneysa imtixaanada dugsiyada sare GCSE inay u fariistaan si ay markaa ugu noqdaan wixii ay soo barteen.

http://www.bbc.co.uk/schools/gcsebitesize/maths/

 

website-kan hoos kuqoran waa mid ay Key Stage 1 ilaa Key Stage 4 aad kaheli karto( Maths and english )

http://www.topmarks.co.uk/Interactive.aspx?cat=8