SHIRKA WADATASHIGA QOWMIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE EE KADHACAY MAGAALADA NAIROBI EE WADANKA KENYA
SHIRKA WADATASHIGA QOWMIYADDA DIGIL IYO MIRIFLE NAIROBI KENYA,24-25, Janaayo 20,2011
Shir ay isugu yimaadeen Siyaasiyiinta, waxgaradka, qaybaha Bulshadda rayidka oo kakala yimid Gudaha Dalka iyo Daafaha Caalamka (sida qurbajoogta),ee beelaha Digil iyo Mirifle, shirkaas oo lagu qabtay Hotel Laico Regency. Nairobi, Kenya
Ajendaha Shirka:-
- Abaaraha ka jirka Guud ahaan Dalka,
- Amni darada Dalka kajirta
- Ugogol xaaridda shirweyne Dhismaha Dowlad goboleed uu yeesho Lixda Gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya.
Dood iyo lafagurid dheer kadib, waxaa la isla meel dhigay qodobada hoos ku qoran:-
- Abaaaraha:-Shirku wuxuu baaq u jeedinayaa Dowladda Federaalka KMG ah , Beesha caalamka ,Hay’adaha samafalka iyo Guud ahaan Ummadda Somaliyeed in ay Gargaar degdeg ah la gaaraan Shacbiga Somaliyeed oo Abaaruhu ay Saameeyeen iyo Barakacayaasha.
- Amni-darada Dalka ka jirta:-Shirku wuxuu isla gartay in loo hawlgalo sugidda amniga iyo kala dembeynta, guud ahaan Dalka gaar ahaan Gobolladan:- Sh/Hoose, Bay, Bakool, Gedo, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe si ummadda loo gaarsiiyo horumar, iyadoo iska kaashanaay dhammaan beelaha wada dega Gobolladan iyo Dowladda Federaalka KMG ah.
- U-gogol xaaridda Shirweyne lagu Dhisayo Dowlad-goboleed:- Shirku wuxuu isla meel dhigay in ay lagama maarmaan tahay in Ummadda degta gobollada lixda ah ee koonfur galbeed Soomaaliya ay dhistaan Dowlad goboleed ay ku midaysan yihiin dadka Deegaanadaas, si waafaqsan Axdiga KMG ah qodobadiisa 11aad iyo 71aad, shirweynahaas oo lagu qaban doono dalka gudahiisa.
- Waxaa la isla gartay in talo-wadaag lala sameeyo guud ahaan beelaha dega lixda gobol ka hor shirweynaha, iyadoo lala kaashanaayo Dowladda Federaalka KMG ah iyo Beesha Caalaamka.
- Shirku wuxuu isla gartay fulinta qodobada kor ku xusan in loo Xulo Guddi gaar ah kadib markii lagu laabto Dalka iyadoo lala tashanaayo dadka arrinta ay wada khusaysa, kuwa Gudaha Dalka iyo Dibaddaba degan.
Waa Talooyinka ka soo baxay shirka Digil iyo Mirifle
Nairobi Kenya.