
C/raxmaan C/lle Cali (Spaa) oo ah guddoomiyaha Xisbiga Dimuqoraadiga Soomaaliyeed ayaa warsaxaafadeed uu kasoo saaray magaalada Coventry kuna cambaareeyey sheegashada magacii Xisbigiisu lahaa ee (Somali democtartic party SDP) oo uu guddoomiyenimadiisa sheegtay Maslax Max'ed Siyaad Barre.Godoomiyaha Hadaladiisa Hordhaca waxaa kamid ahaa
Waa nasiib darro in Maslax uu sheegto guddoomiyenimada Xisbi magaciisu horay u jiray" ayuu yiri C/raxmaan Spaa, wuxuuna xusay in Xisbiga ( S D P ) ay sameysteen aqoonyahano qurba joog ah oo kukala nool daafaha dunada.ujeedada ay u sameyeena ay aheyd sidii ay si (Practically) ah ay wax uga qaban lahaayeen gudaha wadanka.
Xisbiga SDP wuxuu Difaacaa una doodaa Xuquuqda dadka lagu sheego in laga tiro badan yahay isla markaana loogu magac daray nidaamka isir-sooca ah ee 4.5 , wuxuuna intaa ku darayin haddii Maslax iyo kooxdiisu ay ku adkeystaan sii sheegashada magaca Xisbigiisa in ay taasi ku kelifi doonto in ay sharciga la tiigsan doonaan.
Warsaxaafadeed-ka uu soo saaray Hogaamiyaha Xisbiga SDP waxaa uu qornaa sidatan:
Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30/10/2010 Shir aan caadi aheen isugu yimid hoggaanka sare siyaasadda ee Xisbiga Dimoqraadiga Soomaaliyeed X D S ( Somali Democratic Party S D P) lagu qabtay Magaalada Coventry ee waddanka Ingriiska, shirkaasi oo looga hadlayey war ka soo yeeray Maslax Maxamed Siyad.
Kaasoo uu ku sheegay magaalada Neyrobi ee waddanka Kenya kaga dhawaaqay 29/10/2010 sida uu sheeganayo Xisbi lagu magacaabo Somali Democratic Party SDP waxa ayna sheegashadani ka soo yeertay ka dib wareysi ay la yeesheen idaacadaha wararka BBC iyo VOA laamahooda af Somaliga.
Haddaba Hoggaamiyaha Xisbiga iyo guddigiisa siyaasadda iyo Gudiga dhexe ee fulinta gaba-gabadii shirka waxa ay baaq iyo digniin Media-ha u marinayaan Maslax M. Siyaad
Baaqa warsaxaafadeedka iyo Go'aamadii uu qaatay Xisbiga SDP:
1- ka dib markii aanu maqalnay/Aragnay sheega-shadaadii waxaa nala gudbonaatay in aan kuu sheegno in Somali Democratic Party S D P uu yahay Xisbi siyaasadeed horay u jirey loogana dhawaaqay Magaalada Coventry ee cariga Ingriiska taariikhda markey aheed 09-09-09-kii , kaasoo leh sharciyaddiisa iyo heykalkii Xisbi.
2- si aad u hesho macluumaad dheeri ah waxaanu garanay in aan kuu soo gudbino website-ka Xisbiga www.thesomalidemocraticparty.com
3-Maslax M. Siyad iyo ciddii kula talisay sheegashadan bareerka ah waxa aan ugu baaqeynaa in ay dhowraan islamarkaana ilaaliyaan sharciga xisbiyada siyaasadeeka caalamiga ( International political parties names protect low )
4-in sida ugu dhaqsiyaha badan uga laabto sheegashada aan sharciga waafaqsaneen.
5- In aad raali gelin buuxda ka siiso hoggaanka sare iyo guud ahaan taageerayaasha S D P
Wabillahi Towfiiq
Godoomiyaha Xisbiga SDP Mudane Cabdiraxmaan C/lle Cali Spaa
Copyright 2010 by The Somali Democratic Party| All rights Reserved