![]() |
www.dooynet.com |
![]() |
Gabay:Xoon,Samatar BaxnaanGabaygan waxaa uu ka mid ahaa gabayadii guba, waxaa Samatar Baxnaan ku jiray ragii silsilada guba ka qayb qaatay, waxaana ahaa raga mudnaanta weyn la siiyo, marka laga hadlayo dhinaca gabayada.Ilaahay naxariistii jano ha siiyee, waxaa uu Samatar tiriyey, gabayo aad u fara badan,lakiin gabaygani waxaa uu ka mid yahay giraantii Guba !" Tixdan Wuxu Samatar Tirshey mar niman Muuse Ismaaciil ah oo damcay inay soo dilaan nin reer Hagar ah ka dibna inta laga war helay wax laga laayey. Waa waagii GUBA socotey ee xiisadda cabiil iyo xasaradda suugaaneedba cirka isku shareereen. Samatar oo guushaas reerkiisa u soo hoyatey ku taamaya ayaa gabaygan mariyey.waxuu Yidhi:- Xasan iyo anoo sida Siciid la i xambaaraayo Xashiishka iyo laba Muuse way ku xadfanaayeene Xagna nalama bixin nimanki ay na xejinaayeene Oo Xaajigii dilay dadkaan kala xabaal seegin Oo xayda xagarka gashee kuna xalaaleeyey Mar haddii xiniinyaha la jaray waa xamdi Ilaahe Weerkuba wuxuu xidho galoo xeeda ka hayaaba Markay xayni soo goosato buu ugu xasuugaaye Anna waxaan la xoodnaa shalay iga xayuubsheene Xoonkii shinida quubayaye xoonbax odhanaayay Xaaladdoda niman baa qarshooy xani ka raacdaaye |